Ugu yaraan 41 qof ayaa ku geeriyooday weerar diyaaradeed oo ay fuliyeen maleeshiyaadka RSF ee waddanka Suudaan, sida ay sheegtay hay'adda sheegata inay u dooddo xuquuqda aadanaha.
Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay gobolka Niilka Buluugga ah ee dalka Suudaan, kaas oo xuduud-beenaad la leh dalka Itoobiya.
Hay’adda Emergency Lawyers ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen maleeshiyaadka Janjawiidka, kuwaas oo Jimcihii beegsaday xero ay deggan yihiin dadka ku barakacay gudaha dalka, taas oo ku taalla deegaanka Abu Shandi ee gobolkaas.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa walaac xooggan ka muujiyey weerarkan bahalnimada ah.
Xafiisku wuxuu intaas ku daray in warbixinnadii ugu horreeyay ay muujinayaan in dadka waxyeelladu gaartay intooda badan ay yihiin haween iyo carruur.
OCHA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in deegaanka la sheegay in la duqeeyay Jimcihii uu toddobaadyadii u dambeeyay la kulmayay weerarro joogto ah, kuwaas oo kumannaan qof oo rayid ah barakiciyay, dad kalena u horseeday inay wajahaan khataro culus.
Ciidanka milatariga Suudaan iyo xoogagga hubaysan ee ka soo horjeeda, oo ay ku jiraan RSF, ayaa tan iyo sannadkii 2023 ku jiray loollan awoodeed oo isu beddelay dagaal sababay dhimashada boqolaal kun oo qof, isla markaana in ka badan 14 milyan oo qof ku qasbay inay guryahooda ka barakacaan.
Dagaalku wuxuu sidoo kale sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ugu xun dunida, iyadoo maleeyihiin qof ay wajahayaan daryeel la’aan dhinaca caafimaadka ah.
Milatariga Suudaan ayaa gacanta ku haya inta badan gobollada dhexe iyo bariga dalka, halka RSF ay xarunteedu tahay gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan, isla markaana ay maamusho qaybo ka mid ah koonfurta dalka.
Labada dhinacba waxaa lagu eedeeyay inay adeegsadaan weerarro diyaaradeed oo aan duuliye lahayn kuwaas oo mar walba dhibaato xooggan u geysta dadka shacabka ah.
